Barekaal waa urur ay ku bahoobeen macalimiinta ka hawlgala dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa.
Fikrada aasaasida ururka Barekaal, waxaa iska lahaa koox dhalinyaro macalimiin ah oo ka hawl gala dugsiyada sare (public/private secondary schools) ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay arkeen baahida loo qabo in la leho urur ay ku bahoobaan bahweynta macalimiinta dugsiyada dalka Somaliland, waxa ay salka u dhigeen kuna ansixiyeen August, 2017 ururka Barekaal kulan ka qabsoomey magaalada Hargeysa.
Magaca iyo Sifaha Ururka:
- Halhayska ama halkudhega ururku waa, 'Macalinkeena Allow Kaal'
- Ururka Bare-kaal waa urur ay ku bahoobeen macalimiinta ka hawgala dusiyada sare ee magalaada Hargeysa, Somaliland.
- Xarunta xafiiska ururka Barekaal waa magalaada Hargeysa, waxaana uu mustaqbalka dhaw xafiisyo ama laamo kala duwan ku yeelan doonaa magaalooyinka iyo degmooyinka Somaliland
- Ururka Bare-kaal wuxuu gacmo furan kusoo dhaweynayaa macalinkasta oo ka hawlgala dugsiayada sare ee magalada Hargeysa, buuxiyana shuruudaha xubinimada ururka
Astaanta Ururka Barekaal
Astaanta Ururka Barekaal, waa macalin ku hawlan fulinta
waajibaadka fidinta aqoonta
iyo barista duruusta maalin laha ah sida astaanta hoos ku xusan ka muuqata:
Dabeecadda Ururka:
Ururku wuxuu ka madax banaan yahay dhamaanba arrimaha la xidhiidha siyaasada, qabyaalad, iwm
Ururka Barekaal waxaa gundhig u ah ku dhaqanka iyo dabaqida diinta Islaamka
Ujeedooyinka Ururka:
1.
In
la helo sanduuq dhaqaale oo u gaara bareyaasha ku bahoobey ururka Bare-Kaal
2.
In
la mideedyo cudduda dhaqaale ee macalinka
3.
Taakuleynta
caqabadaha nololeed ee macalinka
4.
In
la muujiyo midnimada iyo iskaashigu iney yihiin horseedka horumar
mustaqbal waara
5.
In
la abuuro ardaa lagaga war hayo laguna taageero caqabadaha nololeed ee baraha
6.
In
la abuuro ardaa iskaashi oo ka fayow siyaasad iyo qabyaalad
7.
Dhiiri
galinta macalinka
8.
Midnimada
macalinka
Mabaadi’da Ururka:
- Ilaalinta iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka
- Daacadnimo
- Wada tashi
- Kalsooni
- Wax wada qabsi
- Wada jir
No comments:
Post a Comment